Ururka qaran ee macallimiinta dalka ee (KNUT) ayaa dowladda dhexe ku boorriyay in dib u furka dugsiyada wadanka ay ku saleyso xaaladaha kala duwan ee ka jira xarumaha waxbarashada.
Xoghayaha Guud ee KNUT ,Collins Oyuu ayaa sheegay in dugsiyada qaar ay wajahayaan xaalado adag oo aan la fududeysan karin.
Oyuu ayaa arrintan ka hadlay xilli uu booqday xarumaha waxbarashada ee deegaanka Nyando ee ismaamulka Kisumu.
Waxaa uu xusay in burburka xarumaha ka soo gaaray daadadka iyo baahiyaha ka jira aynan isku mid ahayn.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in lacagaha sanduuqa qaran ee horumarinta deegaannada ee (NG-CDF) aynan ku filnayn in dib loogu dhiso kaabayaasha burburay ee xarumaha waxbarashada.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo lagu wado in xilli dugsiyeedka labaad ee sanadkan uu billowdo 13-ka bishan Shanaad ee May.