Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Prof. Kithure Kindiki ayaa shaaciyay in isbeddelka cimillada ku yimaado uu ka mid yahay 5-ta khatarro ee ugu waawayn ee dhanka amniga wadanka.
Wasiir Kindiki ayaa dhanka kale iskudhacyada u dhexeya duurjoogta iyo dadka xoolo dhaqatada ah u aaneeyay loollanka salka ku haya kheyraadka yar oo sida uu hadalka u dhigay uu saameeyay isbeddelka cimillada.
Wasiirka ayaa sheegay in arrimaha kale ee halista ku ah amniga qaranka ay kala yihiin argagixisada , burcadnimada , dhaca xoolaha , ka ganacsiga sidoo kalena isticmaalka waxyaabaha maanka dooriya iyo xagjirnimada dhaqanka , diinta ama siyaasadda ku saleysan.
Si loo yareeyo saameynta ka dhalatay isbeddelka cimillada , wasiirka ayaa dhammaan saraakiisha dowladda dhexe u qaabilsan dhanka maamulka ku amray inay si joogto ah ismaamullada kala duwan ugu hoggaamiyaan howlo geedaha lagu abuuraya.
Prof.Kithure Kindiki, wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka ayaa sheegay in dhawaan dhir beeridda ay noqon doonto dhaqan qaran si looga gaashaanto abaaraha iyo daadadka.
Arrimahan ayuu ka hadlay xilli uu munaasabad geedo lagu abuurayay ka daahfuray ismaamulka Garissa.
Dowladda dhexe ayaa horay u shaacisay in qorshaheeda uu yahay in ismaamullada gobolka Waqooyi Bari ee Garissa, Wajeer iyo Mandera mid waliba lagu abuuro 100,000 oo geedo ah.