Kenya oo la siiyay 43 bilyan oo ay uga falcelinaysa HIV

0
224

Waxaa dowladda dalka ay heshay deeq lacageed oo dhan 43 bilyan oo shilin.
Dhaqaalahan ayaa loo adeegsan doonaa ka falcelinta fayraska HIV ee keena cudurka dilaaga ee AIDS-ka.
Waxaa deeqdan bixiyay qorshaha howlgelinta waddamada ee COP oo hoos tago nidaamka uu madaxweynaha Maraykanka si degdeg ah uga gurmado AIDS-ka ee (PEPFAR).
Lacagtan ayaa la isticmaali doonaa inta u dhexeysa bisha Tobnaad ee sanadkan ilaa iyo bisha Sagaalaad ee sanadka 2025-ka.