Wasiiradda wasaaradda deegaanka , keymaha iyo la tacaalidda isbeddelka cimillada Soipan Tuya ayaa shirka cimillada ee COP28 ee magaalada Dubai ka sheegtay inay u baahan yihiin taageero dhaqaale oo loo adeegsan karo in muddo 10 sano gudaheeda ah la beero 15 bilyan oo geedo ah.
Waxay saaxiibbada maxalliga iyo kuwa caalamiga ee dalka ku wargelisay in Kenya ay u baahan tahay 500 bilyan oo shilin.
Qorshaha dowladda ayaa ah in sanad kasta geedo lagu beero 50 bilyan oo lacagtan ka mid ah.
Soipan Tuya ayaa carrabka ku adkeysay in haddii taageeradan dhaqaale ay helaan ay kaalin wayn ka qaadan karto wax ka qabashada saameynta ka dhalatay isbeddelka ku yimaada cimillada.