Kenya iyo Zimbabwe oo wada saxiixday 9 heshiis

0
259

Dowladaha Kenya iyo Zimbabwe ayaa wada saxiixday ilaa 9 heshiis oo ay ku xoojinayaan iskaashiga ka dhexeeya ee laba geesoodka ah.
Is-afgaradyadan ayaa la xiriira dhinacyada gaadiidka , kaabayaasha , caafimaadka, waxbarashada, gaashaandhigga, ganacsiga , maalgashiga iyo kuwo kale.
Madaxweynaha dalka Zimbabwe Emmerson Mnagangwa ayaa carrabka ku adkeeyay in ay muhiim tahay in maalgashatada ay ka faa’iidaystaan fursadaha ka jiro labada waddan.
Sidoo kale waxay labada dal xoojinayaan xiriirkooda dhanka dhaqaalaha , siyaasadda , dhaqanka iyo arrimaha bulshada.
Madaxweyne William Ruto ayaa sheegay in Kenya iyo Zimbabwe uu ka dhexeeyo xiriir adag oo soo jireen ah oo ay taageero dhinacyo kala duwan ah isugu muujiyaan.