Kenya iyo Talyaaniga oo kala saxiixday heshiis iskaashi dhinaca amniga ah

0
190
Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Kenya, Kipchumba Murkomen, iyo dhiggiisa Talyaaniga, Matteo Piantedos

Kenya iyo Talyaaniga ayaa kala saxiixday warqad is-afgarad oo lagu xoojinayo iskaashiga labada dal ee ka hortagga iyo la dagaallanka dambiyada. Heshiiska ayaa Khamiistii waxaa kala saxiixday Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Kenya, Kipchumba Murkomen, iyo dhiggiisa Talyaaniga, Matteo Piantedosi. Wafdiga Kenya waxaa sidoo kale ka mid ahaa Xoghayayaasha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Raymond Omollo iyo Belio Kipsang, kuwaas oo ka qeyb galay munaasabadda saxiixa.
Xoghayaha Joogtada ah ee Arrimaha Gudaha, Dr. Omollo, ayaa sheegay in heshiiska cusub uu muujinayo sida ay Kenya iyo Talyaanigu uga go’an tahay xoojinta iskaashiga amniga iyo wadajirka lagula tacaalayo caqabadaha amni ee isa soo taraya. Wuxuu tilmaamay in is-afgaradkani uu saldhig u yahay dadaallada labada dal ay ku doonayaan inay sare ugu qaadaan iskaashiga dhinacyada amniga iyo la dagaallanka dambiyada casriga ah.
Heshiiskan ayaa daba socda booqasho waxbarasho oo wafdi ka socday Kenya ay bishii Juun ku tageen magaalada Rooma, halkaas oo ay khibrado uga kororsadeen ciidamada booliska Talyaaniga. Booqashadaas ayaa qayb ka ahayd qorshaha dowladda Kenya ee lagu dhisayo Cutubka Booliska Magaalada Weyn ee Nairobi, iyadoo wafdigu kulammo la yeeshay hoggaanka hay’adaha kala duwan ee booliska Talyaaniga si ay uga bartaan hababka casriga ah ee sugidda amniga magaalooyinka.
Intii lagu guda jiray booqashada, wafdiga Kenya ayaa daraaseeyay qaababka maamulka amniga magaalooyinka, iskaashiga hay’adaha kala duwan, ilaalinta kala dambeynta, la dagaallanka argagixisada iyo dambiyada abaabulan, baaritaannada dambiyada maaliyadeed, maamulka socdaalka, la tacaalidda dambiyada internetka iyo sugidda amniga munaasabadaha waaweyn. Waxay sidoo kale falanqeeyeen sidii loo xoojin lahaa shaqada sirdoonka, ilaalinta kaabeyaasha muhiimka ah, kobcinta kalsoonida bulshada iyo diyaar u ahaanshaha khataraha amni ee mustaqbalka.