Kenya iyo Poland oo wada saxiixday heshiisyo ku saabsan canshuurta iyo beeraha

0
109

Dowladaha Kenya iyo Poland ayaa wada saxiixday labo heshiis oo ku saabsan mideynta canshuuraadka , beeraha iyo horumarinta degmooyinka.
Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in Kenya ay sare u sii qaadaysa iskaashiga ay la leedahay wadanka Poland si gaar ah dhinacyada beeraha iyo helidda cunnada.
Tani ayaa looga gol-leeyahay in la yareeyo baahida loo qabo badharka ee ka jirta dalka.
Ruto ayaa arrintan sheegay xilli ay isaga iyo dhigiisa Poland Andrzej Duda si wadajir ah ula hadleen warbaahinta.
Madaxweynaha Poland ayaa dalka ku jooga booqasho rasmi oo labo cishe ah.
Madaxweyne William Ruto ayaa laga soo xigtay in iskaashiga labo geesoodka ah uu Kenya ka caawin doono inay haleesho hadafyadeeda isku filnaanshaha dhinaca cuntada.
Waxaa uu William Ruto xusay inuu dhigiisa Poland ku boorriyay inay kaashadaan Kenya iyadoo loo maraya wada shaqeynta waaxyaha dowliga iyo kuwa gaarka ah iyo dowladaha dhexdooda si looga faa’iidaysto suuqyada loo iibgeeyo waxyaabaha laga soo saaro beeraha si gaar ah sare u qaadidda macaashka beeralayda marka ay dalagyada u soo go’aan.
Madaxweyne William Ruto ayaa dowladda Poland u bandhigay inay dekadaha Mombasa iyo Lamu ka dhigato xuddunta dhoofinta badeecooyinka ee gudaha gobolka iyo daafaha kale.
Madaxweyne Duda ayaa dhankiisa sheegay in Poland ay aad u daneynaysa inay sii ballaariso iskaashiga dhaqaale ee kala dhexeya Kenya.
Waxaa uu xusay in socdaalkiisa uunan ahayn keliya mid sharafeed balse fursad wayn oo dhaqaale mustaqbalka.
Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa dhanka kale maalgashatada wadanka Poland ku boorriyay inay ka faa’iidaystaan fursadaha maalgashi ee ka jira Kenya iyagoo eegaya faa’iidada jaqoraafiyadeed ee halka ay Kenya uga taallo gobolka iyo kaalinta ay ku leedahay maalgashiyada qaaradda.