Kenya iyo Israa’iil ayaa wada saxiixday heshiis iskaashi oo la xiriira tamarta.
Waxaa uu qorshuhu yahay in heshiiskan uu shaqeeyo muddo shan sano ah.
Wasiirka wasaaradda tamarta ee dalka Opiyo Wandayi iyo safiirka Israa’iil ku matalo Kenya Michael Lotem ayaa is-afgaradkan qalinka ku wada duugay.
Waxay sheegeen inuu gacan ka gaysan doono dadaallada sare loogu qaadaya soo saaridda tamarta la cusbooneysiin karo ee Kenya si looga dhiga mid waarta.
Sidoo kale , saraakiisha iyo khuburrada qaabilsan arrimaha tamarta ayaa heli doono caawimaad farsamo oo lagu wanaajinaya karaankooda shaqo.