Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa kulan la qaatay wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda ee wadanka Cuba Bruno Rodriguez Parrilla oo ku booqday madaxtooyada State House ee magaalada Nairobi.
Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay sare u qaadidda xiriirka ka dhexeya Kenya iyo Cuba.
Mr. Kenyatta iyo Mr. Bruno ayaa soo hadal qaaday in laga shaqeeyo sidii iyagoo badqaba loo soo siidayn lahaa dhakhaatiir u dhashay Cuba oo sanadkii 2019-kii laga afduubtay ismaamulka Mandera.
Hoggaamiyaha dalka ayaa wasiirka arrimaha dibadda ee Cuba u xaqiijiyay in dowladiisa ay ka go’an tahay ka dhabeynta arrintan.
Madaxweynaha ayaa Cuba uga mahadceliyay taageerada ay tababarro ugu fidiso howlwadeenada caafimaadka ee dalka.
Wasiirka arrimaha dibadda ee Cuba ayaa dhankiisa madaxweyne Uhuru Kenyatta ku ammaanay kaalinta uu ka qaatay iyo sida ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah.
Sidoo kale wasiirka ayaa dhambaal salaam ah oo uu ka siday madaxweynaha Cuba Miguel Díaz-Canel la wadaagay hoggaamiyaha wadanka.
2/2
During the meeting, President Kenyatta and Mr. Parrilla discussed a wide range of matters of bilateral importance to Kenya🇰🇪 and Cuba🇨🇺 including the safe return of the Cuban doctors kidnapped in Kenya by Al Shabaab in 2019.Read more: https://t.co/Q5j1EiwoZd pic.twitter.com/81yAUoMlxo
— State House Kenya (@StateHouseKenya) July 2, 2022