Kalonzo iyo Wamalwa oo sheegay in ay diyaar u yihiin wada shaqeyn siyaasadeed oo kala dhexeysa Gachagua

0
572

Hoggaamiyaha xisbiga Wiper Kalonzo Musyoka ayaa ka hadlay wararka la isla dhexmarayo ee ku saabsan isbaheysi uu la yeelanayo madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalka Rigathi Gachagua ka hor doorashada guud ee 2027.
Hoggaamiyeyaasha mucaaradka ay hor kacayaan Kalonzo Musyoka, Eugene Wamalwa iyo guddoomiyihii hore ee ismaamulka Kiambu Ferdinand Waititu ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalka in uu ku soo biiro mas’uuliyiinta mucaaradka.
Wamalwa ayaa kenyaanka ku boorriyay in ay garab istaagaan Gachagua.
Dareenka Kalonzo iyo Wamalwa ayaa imaanaya maalin ka dib markii Gachagua uu xusay inuu daneynaya in ay wada shaqeyn siyaasadeed dhexmarto isaga iyo madaxda mucaaradka ka hor doorashada guud ee sanadka 2027-ka.