Kalluumeysatada Kenya ayaa walaac ka muujiyay dhibaataynta joogtada ah ee ay ku hayaan saraakiisha amniga Uganda, kuwaas oo ay ku eedeeyeen inay lacag ka qaataan mar kasta oo ay galaan biyaha kalluumeysiga ee ku hareeraysan Jasiiradda Migingo ee Harada Victoria.
Guddoomiyaha Qaybta Maareynta Xeebta Sori Hesbon Ouko ayaa sheegay inaysan weli awoodin inay si xor ah u qabtaan hawlahooda kalluumeysiga sababo la xiriira roondo joogto ah iyo cabsi gelin ay sameeyaan saraakiisha Uganda.
Ouko wuxuu sheegay in doon kasta oo kalluumeysi oo Kenyan ah oo soo gasha biyaha u dhow Jasiiradda Migingo lagu qasbay inay bixiso Ksh. 2,000 oo la siinayo saraakiisha ilaalada ee Uganda.
Wuxuu xusay in inkastoo dhowr jeer la isku dayay in mas’uuliyiinta Uganda ay xalliyaan arrinta, haddana saraakiishu ay weli ka cago jiidayaan, taasi oo dhibaato ku abuurtay kalluumeysatada Kenya.
Ouko hadda wuxuu ka codsaday dowladda Kenya inay si degdeg ah u soo farageliso arrintan oo ay ka hortagto dhibaataynta ka socota harada.
Wuxuu kaloo ku eedeeyay in qaar ka mid ah saraakiisha amniga Kenya ay gacan ka geystaan baadda, isagoo intaa ku daray in kalluumeysatadu ay arrinta u soo gudbiyeen booliiska ayna weli rajo ka qabaan in tallaabo laga qaadi doono si wax looga qabto xaaladda ay walaaca ka muujinayaan.




