Jubbaland: Waa qorshe aan laga fiirsan in ciidamada ATMIS ay Soomaaliya ka baxaan

0
257

Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa walaac weyn ka muujisay qorshaha bixitaanka ciidamada midowga Afrika ATMIS ee Soomaaliya, iyagoo ku tilmaamay qorshe aan horay looga fiirsan.
Madaxweyne ku xigeenka maamulka Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan oo wareysi siiyay laanta afka soomaaliga ee VOA-da, ayaa sheegay in Al-Shabaab ay fursad weyn ka helayaan bannaynta saldhigyada ciidamada ATMIS.
Waxaa uu sheegay inay khatar amni wajahayaan dadka shacabka ah ee ku tiirsanaa amniga ciidamada ATMIS, isagoo sheegay inay Al-Shabaab ku dhaqaaqayaan falal aargoosi ah oo ka dhan ah dadkii iyaga ka soo horjeeday.
“In la hakiyo ayay ahayd, marar badan waan codsanay, madashana way kawada hadleen, laakin sida la qorsheeyay waxaa ka go’an ciidamada ATMIS inay dalka ka baxaan, waxaana qorshahaas ka dambeeyay dowladdii hore,” ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka Jubbaland.
Maxamuud Sayid Aadan ayaa intaasi ku daray in ciidamada Jubbalad iyo kuwa Dowladda federalka in aysan diyaar u ahayn xilligan in ay la wareegaan saldhigyada ay baneeyaan ciidamada ATMIS, isagoo tilmaamay inay ku qasban yihiin inay isku dayaan inay maareeyaan amniga Jubbaland.
Jubbaland waxaa ku sugan ciidamada Kenya, kuwaas oo inta badan ka howlgala gobolka Jubbadda hoose, sidoo kale ciidamada Itoobiyaanka ayaa iyaguna ku sugan gobolka Gedo. Dhawaan, ciidamada Kenya ayaa maamulka Jubbaland ku wareejiyay labo saldhig oo ay baneeyeen ciidanka ATMIS.