Guddiga adeegga waaxda cadaaladda dalka ee (JSC) ayaa hakiyay qorsho lagu waday in xaakinno dheeraad ah looga howlgeliyo maxkamadda racfaanka ee waddanka.
Madaxa waaxda cadaaladda ee Kenya garsoore Martha Koome ayaa arrinkan xaqiijisay.
Waxay u aaneysay in wasaaradda maaliyadda ay waaxda garsoorka kula talisay in ay boqolkiiba 15 yareyso miisaaniyadeeda.
Koome ayaa hoosta ka xarriiqday in ay keliya qarashaad ku bixin doonaan baahiyaha muhiimka ah.