JSC oo billowday shaqaleysiinta xaakinnada maxkamadda sare

0
456

Guddiga adeegga waaxda garsoorka ee dalka ee JSC ayaa billaabay geeddisocodka shaqaaleysiinta 20 xaakiino ah oo ku biiraya maxkamadda sare.
Waxaa su’aallo la waydiinaya shakhsiyaadka kala duwan ee xilkan daneynaya.
Tani ayaa timid ka dib markii ilaa 100 qof ay isugu soo hareen qiimeynta horudhaca ah ee la sameeyay.
Guddiga oo ka kooban 11 xubnood ayaa maanta billaabay turxaan bixin la filaya in ay qaadato muddo bil ah.
100-ka qof ayaa laga soo dhex xushay 350 ruux oo codsiyo soo dirsaday.
Waxaa dadka su’aallaha la waydiinaya laga eegaya dhanka aqoonta iyo khibradda sharciyeed,hufnaanta iyo arrimo kale.