Joseph Irungu oo loo yaqaano Jowie ayaa gudbiyay racfaan uu uga soo horjeedo go’aankii 13-kii bishii hore ka soo baxay maxkamadda sare ee wadanka.
Garsoore Grace Nzioka ayaa xilligaasi go’aamisay in Jowie lagu fuliyo xukun dil ah maadaama lagu cadeeyay inuu ka dambeeyay dilkii Monica Kimani oo ganacsato ahayd.
Xaakinka ayaa dilkaasi ku sheegtay mid laga naxo oo si ulakac ah loo gaystay.
Waxay xustay in qofkii dilay Monica Kimani uunan xilligaasi ahayn mid is difaacayay ama la daandaansaday balse uu qorsheeyay , go’aansaday ka dibna fuliyay dilka.
Hasa ahaate waxaa uu Joseph Irungu ku doodaya in lagu xadgudbay xuquuqdiisa dastuuriga ah.
Dacwadda racfaanka ee uu gudbiyey ayaa waxaa uu ku codsanaya in go’aankii maxkamadda sare loo aqoonsado mid laga dheehan karo arxaan darro ka baxsan baniaadannimada.
19-kii bishii Sagaalaad ee sanadkii 2018-kii ayay ahayd markii Monica Kimani lagu dilay gurigeeda oo ku yaallay xaafadda Lamuria ee ismaamulka Nairobi.