Boqortooyada Jordan ayaa cambaareysay weerar ay sheegtay in dad Israa’iiliyiin ah ay ku qaadeen kolonyo baabuur oo gargaar u siday Qaza.
Dhacdadaasi ahaa ah midii labaad maalmo gudahooda.
Afhayeenka dowladda Jordan Mohammad al-Momani ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in kolonyadan oo ka kooban ilaa 30 baabuur oo xamuul ah uu dib u dhac ku yimid.
Waxaa uu sheegay in loo baahan yahay in Israa’iil ay arrintan si wayn wax uga qabato oo aan marnaba wax beer-jilleec ah loo muujin kuwa isku daya in ay hor istaagaan kolonyada gargaarka.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo tirada dadka Qaza ugu geeriyooday gaajada iyo nafaqo darrada ay gaartay 193 ruux ka dib markii 5 qof oo dheeraad ah ay macluul u geeriyoodeen.