Japan oo meesha ka saartay digniin la xiriirtay Tsunami

0
203

Dowladda Japan ayaa ka laabatay digniin ay horay u soo saartay oo ku aaddanayd in wadankaasi ay ku dhufan karto Tsunami.
Hasa ahaate waxay sheegtay in burburka ka dhashay dhulgariirka uu yahay mid baahsan.
Ugu yaraan 20 qof ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen dhulgariirka saameeyay xeebta Bartamaha Japan.
Ra’iisul Wasaaraha dalkaasi ,Fumio Kishida ayaa sheegay in tirada dhimashada ee ka dhalatay dhulgariirka ay sii kordhi karto.
Dhulgariirka uu uu cabbirkiisu ahaa 7.6 ayaa galinkii dambe ee shalay laga soo tabiyay meel u dhow gacanka Noto Peninsula ee gobolka Ishikawa .