Wargeyska Bloomberg ee laga leeyahay dalka Maraykanka ayaa sheegay in Itoobiya ay qorshaynayso in ay ka laabato qorshaha aqoonsiga jamhuuriyadda Somaliland si loo hagaajiyo xiriirka ay la leedahay Soomaaliya.
Warbixinta lagu daabacay wargeyska ayaa lagu sheegay in Itoobiya ay rabto in ay heshiiska ka saarto qodobka aqoonsiga Somaliland, oo ku jiray heshiiska ay mudada 50-ka sano ah ay Somaliland kaga kiraysanayso saldhig millateri oo badda ah.
Wargeyska ayaa lagu sheegay in saraakiil diiday in magacooda la sheego ay sheegeen in madaxweynaha Kenya William Ruto, uu ra’iisul wasaaraha Itoobiya kula taliyay in uu heshiiska ka saaro qodobka aqoonsiga si loo daba qabto xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya ee sii xumaanaya.
Heshiiska Somaliland iyo Itoobiya ayaa ka careysiiyay dowladda Soomaaliya iyada oo dowlado iyo ururro badan oo caalami ah ay ku baaqeen in la ilaaliyo madaxbannaanida Soomaaliya.
Haddaba, dowladda Itoobiya ayaa marar badan sheegtay in ay fulinayso heshiiska, iyada oo Somaliland dhankeeda ay ku mashquulsantahay diyaarinta heshiiska rasmiga ah.
Home Wararka Soomaaliya Itoobiya oo ka fikiraysa in ay ka noqoto qorshaha aqoonsiga Somaliland ka...