Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa Issac Mwaura u soo magacaabay xilka afhayeenka dowladda dhexe.
Mwaura ayaa horay aqalka sare ee wadanka uga mid ahaa si magacaabid ah.
Waxaa Mwaura ku xigeenno looga dhigay Ms. Mwanaisha Chidzuga iyo Gabriel Muthuma.
Magacaabiddan oo si degdeg ah u dhaqan galay ayaa waxaa xalay shaaciyay madaxa waaxda adeegga dadweynaha ee dalka Felix Koskei.
Madaxweynaha ayaa horay Issac Mwaura u soo magacaabay xilka xoghayaha maamulka sare ee xafiiska madaxa wasiirrada dalka balse jagadan ma uunan la wareegin ka dib amarkii maxkamadda ee lagu hor istaagay magacaabidda xoghayeyaasha maamulka sare ee loo yaqaano CAS.
Xafiiska afhayeenka dowladda ayaa waxaa baneeyay Cyrus Oguna oo hayay laga soo billaabo bishii Shanaad ee sanadkii 2019-kii .
Waxaa uu Oguna xilkan iska casilay bishii Tobnaad ee sanadkii 2022-kii ka dib markii loo magacaabay madaxa shaqaalaha ee ismaamulka Siaya.




