Wakiilka Israa’iil ku matalo qaramada midoobay Gilad Erdan ayaa arrin laga xumaado ku sheegay hadal uu jeediyay madaxweynaha Maraykanka Joe Biden.
Tani ayaa timid ka dib markii uu Biden sheegay in ay joojin doonaan hubka ay siiyaan Israa’iil haddii ay ku duusho magaalada Koonfureed ee Rafah ee dalka Falastiin.