Militariga Israa’iil ayaa sheegaya inay marinka Qaza xalay ka gaysteen in ka badan 100 bartilmaameedsi ah.
Weerarradan ayaa loo adeegsaday diyaaradaha dagaalka waxayna Israa’iil shaacisay inay ku burburisay fariisimo dhexe.
Militariga ayaa intaasi ku daray in sidoo kale la dilay xubin ka tirsan ururka Xamaas.
Waxaa qoraalka qayb ka ah in sidoo kale la burburiyay kaabayaal iyo hub yaalla xaafadda Jablia .
Waxay intaasi ku dareen inay duqeeyen goobaha Xizbullah ee Koonfurta dalka Lebanon iyadoo laga falcelinayay weerar halkaasi looga soo qaaday Israa’iil.