Israa’iil oo sheegtay inay dishay Cali Larijani, mas’uulka ugu sarreeya amniga ee Iiraan

0
95

Cali Larijani, xoghayaha Golaha Sare ee Amniga Qaranka ee Iiraan, ayaa la sheegay in la dilay, sida uu sheegay Wasiirka Gaashaandhigga Israa’ii, Israel Katz. Iran weli kama aysan hadlin sheegashadaas.
Haddii la xaqiijiyo, dilka Larijani ayaa noqonayaa midka ugu sarreeya ee ka dhaca dagaalka tan iyo markii weerarada Mareykanka iyo Israel ay dileen Hogaamiyihii Sare ee Iran, Ayatollah Cali Khamenei, iyo dhowr xubin oo ka tirsan qoyskiisa maalintii ugu horeysay ee dagaalka 28-kii bishii hore ee Febraayo.
Ciidanka Israa’iil ayaa sidoo kale sheegay in ay dileen taliyaha unugga Basij, oo ah milatariga gudaha ee Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga (IRGC) Gholamreza Soleimani, iyaga oo ku andacoonaya in weerarka lagu fuliyay xog sirdoon sax ah oo ka timid Sirdoonka Milatariga. Iiraan sidoo kale weli kama aysan hadlin sheegashadaas.