Agaasimaha isbitaalka Abu Youssef Al Najjar ee magaalada Rafah ,Marwan al-Hams ayaa Israa’iil ugu baaqay inay joojiso waxa uu ku tilmaamay jeesjeeska iyo xasuuqa ay ka wado Gaza.
Tani ayaa timid ka dib markii weerar ay Israa’iil ku bartilmaameedsatay guri la deggan yahay oo ku yaalla meel u dhow isbitaalka Kuwaiti hospital ee Koonfurta Qaza lagu dilay ugu yaraan 20 qof.
Militariga Israa’iil ayaa dhankiisa sheegaya inuu dilay nin labo qof ku toorriyeeyay barta kontoroolka ee Mazmoria ee Koonfurta aagga la haysta ee Bariga Quddus.
Tani iyo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkan, waxaa gudaha Qaza lagu dilay ugu yaraan 21,320 qof halka 55,603 oo Falastiiniyiin ah la dhaawacay.
Israa’iil ayaa dhankeeda sheegaysa in weerarkii Xamaas ee 7-dii Oktoobar looga dilay 1,139 qof.