Israa’iil oo kordhisay weerarada iyo qabsashada dhulka ee Daanta Galbeed ee la haysto

0
197

In ka badan 80 waddan oo xubno ka ah Qaramada Midoobay ayaa cambaareeyey qorshaha Israa’iil ee ah in ay xoojiso xakamaynta Daanta Galbeed ee la haysto isla markaana ay sheegato dhul ballaaran oo Falastiiniyiin ay leeyihiin.
Weerarada ciidamada Israa’iil ee Qaza ayaa sii socda, iyadoo gantaallo lagu riday xaafadaha magaalada Qaza. Taangiyada Israa’iil ayaa sidoo kale rasaas culus ka tuuray koonfurta Qaza.
Dagaalka xasuuqa ah ee Israa’iil ka waddo Qaza ayaa tan iyo 7-dii Oktoobar 2023 dilay ugu yaraan 72,061 qof iyadoo lagu dhaawacay 171,715 kale oo Falastiniyiin ah.