Ciidamada Israa’iil ayaa rasaas ku furay dad Falastiiniyiin ah oo isugu soo baxay goob gargaar lagu qaybinayo oo ay maamulaan koox uu Maraykanku taageero oo ku taalla koonfurta iyo badhtamaha Qaza, iyagoo ugu yaraan 31 qof ku dilay.
Dhanka kale Xamaas ayaa raadinaysa isbeddelo lagu sameeyo heshiis xabbad-joojin ah oo uu Maraykanka soo jeediyay, balse ergeyga gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan bariga dhexe, Steve Witkoff, ayaa sheegay in jawaabta kooxda ay tahay “wax aan la aqbali karin”.
Dagaalka Israa’iil ee Qaza oo socda in ka badan 19 bilood ayaa waxaa lagu dilay ugu yaraan 54,381 qof halka lagu dhaawacay 124,054 kale oo Falastiniyiin ah, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Qaza.
Xafiiska warbaahinta ee xukuumadda Qaza ayaa tiradan u cusboonaysiiyay in ka badan 61,700, isaga oo sheegay in kumannaan qof oo lagu la’yahay burburka hoostiisa loo malaynayo inay dhinteen.