Israa’iil oo hal qof ku dishay duqeyn ay ku bartilmaameedsatay guri ku yaalla Qaza

0
145

Waxaa la xaqiijiyay dhimashada hal ruux ka dib markii ay ciidamada Israa’iil weerareen guri ku yaalla magaalada Qaza ee dalka Falastiin.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in dad aan weli tiradoodu la cayimin ay dhaawacmeen sidoo kalena ay jiraan dhowr kale oo la la’yahay.
Duqeynta ayaa ka dhacday aagga suuqa Yarmouk ee Bartamaha Qaza.