Israa’iil oo duqeysay magaalada Hamad

0
320

Ciidamada militariga ee Israa’iil oo adeegsanaya diyaarad dagaal ayaa duqeyn ka gaystay magaalada Hamad City ee Marinka Qaza.
Waxay magaaladan dhanka Waqooyi Galbeed uga beegan tahay magaalada Khan Younis oo sidoo kale la weeraray.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in 24-kii saacadood ee ugu dambeeyay dhowr qof halkaasi lagu dilay.
Tan iyo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii hore , duqeymaha Israa’iil ay weli ka wado Qaza waxaa ku nafwaayay ugu yaraan 39,965 ruux halka la dhaawacay 92,294 kale.