Israa’iil oo duqeyn ku dishay 3 qof Waqooyiga Lubnaan

0
307

Wasaaradda Caafimaadka ee dalka Lubnaan ayaa sheegtay in duqeyn ay ciidamada Israa’iil ka geesteen magaalada Waqooyi ee Tripoli ay ku dhinteen 3 qof halka 13 kalane ay ku dhaawacmeen.
Weerarkan ayaa yimid xilli wadahadallo xabbad-joojin ah ay ka socdeen Qatar oo u dhexeeya Israa’iil iyo Xamaas, waxaana isla maalintaas lagu dilay shan askari oo Israa’iili ah gudaha Marinka Qaza, taasoo ka dhigtay mid kamid ah maalmaha ugu dhimashada badan ee ciidamada Israa’iil sanadkan gudihiisa.
Inkastoo heshiis xabbad-joojin ah uu jiray tan iyo bishii November ee sanadkii hore, Israa’iil ayaa sii wadday weerarada ka dhanka ah Lebanon, iyada oo inta badan beegsaneysay bartilmaameedyo ay sheegtay inay leeyihiin Xisbullaah.
Israa’iil ayaa dhowr jeer beegsatay xubno ka tirsan Xamaas oo ku sugan gudaha Lubnaan, xitaa tan iyo markii la gaaray heshiiskii xabbad joojinta.
Bishii May, Xamaas ayaa sheegtay in mid ka mid ah saraakiisheeda lagu dilay duqeyn ka dhacday magaalada koonfureed ee Sidon, halka Israa’iil ay sheegtay inay beegsatay “madaxa howlgalada ee qaybta galbeed ee Xamaas ee Lubnaan”.