Ugu yaraan 7 qof oo Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay duqeymo ay Israa’iil ka gaysatay magaalada Rafah.
Tani ayaa tirada guud ee dadka la dilay hal maalin gudaheeda ka dhigaysa 27 ruux.
Waxaa shakhsiyaadkan ka mid ah ugu yaraan 10 carruur ah.
Laga soo billaabo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii 2023-kii, waxaa weerarrada ay weli Israa’iil ka wado Qaza lagu dilay ugu yaraan 34,388 qof halka la dhaawacay 77,437 kale.