Waxaa lagu soo warramayaa in weerar ay ciidamada Israa’iil ka gaysteen magaalada Rafah ee Koonfurta Qaza lagu dilay 8 qof oo Falastiiniyiin ah.
Waxaa dadkan ka mid ahaa 6 carruur iyo haweeney uur lahayd.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in dhakhaatiirta ay ku guulaysteen inay soo badbaadiyaan canugii ay hooyada la dilay uurka ku sidday.
Tan iyo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii hore , waxaa duqeymaha Israa’iil ee Qaza lagu dilay ugu yaraan 34,049 qof oo Falastiiniyiin ah halka la dhaawacay 76,901kale.