Israa’iil oo 7 qof ku dishay magaalada Khan Younis

0
342

Duqeyn ay ciidamada Israa’iil ka gaysteen magaalada Khan Younis ee dalka Falastiin ayaa lagu dilay 7 qof.
Weerarka oo lala eegtay dhisme ka kooban shan dabaq ayaa ka dhacay meel u dhow isbitaalka Nasser Hospital.
Tani ayaa imaanaysa maalmo un ka dib markii ay Israa’iil soo saartay amar si degdeg ah ilaa 250,000 oo ruux looga daadgureynaya Koonfurta Marinka Qaza.
Laga soo billaabo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii hore , waxaa duqeymaha Israa’iil ee Qaza lagu dilay ugu yaraan 37,953 qof halka la dhaawacay 87,266 kale.