Ciidamada militariga ee Israa’iil ayaa magaalada Qaza ku dilay 6 qof oo Falastiiniyiin ah.
Dadkan ayaa ka mid ahaa shakhsiyaad sugayay in loo qaybiyo gargaar cunno.
Warbaahinta maxalliga ee Falastiin ayaa ku warramaysa in weerarkaasi lagu dhaawacay ugu yaraan 83 ruux oo kale.
Weerarkan ayaa yimid saacado un ka dib markii Israa’iil ay duqeysay xarunta qaybinta cunnada ee qaramada midoobay ee magaalada Rafah halkaasi oo lagu dilay ugu yaraan 5 qof oo uu ka mid yahay shaqaale ka tirsanaa hay’adda daryeelka qaxootiga Falastiin ee (UNRWA).
Tan iyo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii hore , waxaa duqeymaha Israa’iil ee Qaza lagu dilay ugu yaraan 31,272 qof oo Falastiiniyiin ah halka la dhaawacay 73,024 kale.