Israa’iil oo 5 qof oo dheeraad ah ku dishay Daanta Galbeed

0
236

Militariga Israa’iil ayaa ugu yaraan 5 qof oo Falastiiniyiin ah ku dilay Daanta Galbeed.
Weerarkan ayaa saaka laga gaystay magaalada Tulkarem .
Tani ayaa tirada dadka lagu dilay weerarrada Israa’iil ee Daanta Galbeed 24-kii saacadood ee ugu dambeeyay ka dhigaysa toddobo qof.
Wakaaladda wararka ee Falastiin ee WAFA ayaa magacyada iyo da’da dadka la dilay ku sheegtay Jihad Aarneh, 25, Mahmoud Samer Jaber, 22, Ghayth Yasser Shahada, 25, Waleed Asaad Zahra, 22 iyo Asaad Asad Zahra 33.