Israa’iil oo 3 qof ku dishay Daanta Galbeed

0
161

Saddex qof ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen weerarro ay Israa’iil ka gaysatay Daanta Galbeed ee la haysto ee dalka Falastiin.
Waxaa weerarradaasi ku dhaawacmay saddex ruux oo kale.
Wakaaladda wararka ee Falastiin ee WAFA ayaa ku warramaysa in sidoo kale dagaal culus laga soo tabiyay xerada qaxootiga ee Far’a .
Dhanka kale madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa warfidiyeennada u sheegay inuu rajeynaya in Isniinta soo socoto ay xabbad joojin ka dhaqan gasho Qaza sida uu u sheegay la –taliyihiisa amniga qaran.
Laga soo billaabo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii 2023-kii waxaa duqeymaha Israa’iil ee Qaza lagu dilay ugu yaraan 29,782 qof oo Falastiiniyiin ah halka 70,043 kalena lagu dhaawacay.