Israa’iil oo 27 qof ku dhishay Qaza tan iyo waaberigii saaka.

0
320

Ugu yaraan 27 qof ayaa lagu dilay weerarro ay Israa’iil ka fulisay guud ahaan Marinka Qaza tan iyo waaberigii saaka, sida ay sheegayaan ilo caafimaad oo ku sugan Qaza oo la hadlay wakaalada wararka ee Al Jazeera laanteeda Carabiga.
Dhanka kale 9 qof ayaa lagu dilay duqeyn ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Israa’iil ku qaadeen teendho ay ku sugnaayeen dad barakacayaal ah oo ku taallay deegaanka al-Mawasi ee duleedka koonfurta magaalada Khan Younis.
Wakaaladda wararka ee Wafa oo soo xiganeysa ilo caafimaad ayaa soo warisay in laba qof lagu dilay tiro kalena lagu dhaawacay weerarro cirka ah oo Israa’iil ka geysatay deegaanka Hakr al-Jami’ ee magaalada Deir el-Balah.
Ugu yaraan afar qof oo Falastiiniyiin ah ayaa sidoo kale lagu dilay xerada qaxootiga ee Bureij ee bartamaha Qaza kadib markii diyaaradaha dagaalka Israa’iil ay duqeeyeen dugsi ay ku jireen qoysas barakacayaal ah.