Israa’iil oo 19 qof ku dishay Lebanon

0
340

Ciidamada militariga ee Israa’iil ayaa duqeymo dheeraad ah oo ay ka fuliyeen labo magaalo oo ka tirsan gobolka Baalbek ee dalka Lebanon ku dilay ugu yaraan 19 ruux.
Waxaa dadkan ka mid ahaa 8 haween ah.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo Ra’iisul Wasaaraha ku meel gaarka ah ee Lebanon Najib Mikati uu sheegaya inuu rajeynaya in saacadaha soo socdo lagu dhawaaqo heshiis xabbad joojin oo kala dhexeeya Israa’iil.
Tan iyo markii uu billowday duullaanka militari ee Qaza , waxaa gudaha waddanka Lebanon lagu dilay ugu yaraan 2,822 ruux halka la dhaawacay 12,937 .