Israa’iil iyo Xamaas oo heshiis muddo ah gaaray

0
219

Waxaa lagu soo warramayaa in Israa’iil iyo ururka Xamaas ay gaareen heshiis afar cishe ka shaqeynaya Qaza.
Waxaa heshiiskan garwadeen ka ahayd Qatar.
Waxyaabaha la isku afgartay waxaa ka mid ah in la siidaayo 50 maxaabiis ah oo lagu hayo Qaza.
Sidoo kale waxaa xabsiyada Israa’iil laga soo siidayn doonaa ugu yaraan 150 qof oo Falastiiniyiin ah oo isugu jiro haween iyo carruur.
Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamiin Netanyahu ayaa sheegay in heshiiska la gaaray uunan ka dhignayn inay soo afjareen duullaanka ay wadaan.
Waxaa uu intaasi ku daray in militariga Israa’iil uu howlgalladiisa sii xoojin doono ka dib marka ay dhammaato muddada maalmaha ah ee la isku afgartay.