Ismaamulka Kisumu oo qorsheynaysa beerista in ka badan 10,000 geed munaasabadda Maalinta Deegaanka

0
68

Iyadoo maanta la xusayo maalinta deegaanka Kisumu ayaa qorsheynaysa inay beerato in ka badan 10,000 oo geed inta lagu guda jiro dabaaldegga Maalinta Deegaanka ee sanadkan, kaas oo ka dhici doona Kaynta Koguta ee deegaanka Nyakach, si loo kordhiyo dhirta kaymaha loona xoojiyo ilaalinta deegaanka.
Hindisahan ayaa qeyb ka ah barnaamijka qaran ee dowladda Kenya ee beerista geedaha, kaas oo ujeeddadiisu tahay kordhinta dhulka ay kaymuhu ku fadhiyaan, ilaalinta deegaanka iyo hagaajinta maareynta qashinka.
Agaasimaha Hay’adda Qaran ee Maareynta Deegaanka ee NEMA ee Kisumu, Leonard Ofula, ayaa sheegay in maamulka degmada uu iskaashi la sameeyay Bangiga Equity, Hay’adda Waddooyinka Waaweyn ee Kenya (KeNHA) iyo Mashruuca Biyaha iyo Nadaafadda Harada Victoria, si loo fuliyo olole nadaafadeed iyo beerista geedaha.
Maareeyaha laanta Equity Bank ee Kisumu, Alice Ouma, ayaa sheegtay in bangigu uu dalka oo dhan ka taageeray beerista in ka badan 48 milyan oo geed, isla markaana uu in ka badan 200 oo xarumood ka caawiyay hirgelinta nidaamyada tamarta nadiifta ah.
Waxay intaas ku dartay in bangigu sii wadi doono taageerada dadaallada lagu ilaalinayo deegaanka iyo hirgelinta hababka waara ee maareynta deegaanka ee Kisumu.
Dhanka kale, Mashruuca Biyaha iyo Nadaafadda Harada Victoria ayaa ballanqaaday inuu taageeri doono hindisahan gudaha magaalada Kisumu, taasoo qeyb ka ah barnaamijkiisa ilaalinta deegaanka.
Maalinta Deegaanka ee sanadkan ayaa lagu xusaya hal-ku-dhegga “Deegaankeenna, Mas’uuliyaddeenna,” iyadoo halku-dhegga ololaha uu yahay “Geed Beer, Deegaanka Ilaali.”