Isku dhacyo ayaa Isniintii ka qarxay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga ka dib markii ay majalada LeMan uu daabacay sawir lagu aflagaadeeyay Suubanaheena Nabi Muxamad Caleeyhi Salaam sida uu sheegay wariye ka tirsan wakaalada wararka ee AFP.
Booliiska ayaa dadka ka badan 300 oo qof oo isugu soo baxay waddooyinka Istanbul ku kala cayriyay sunta dadka ka ilmeysiiso iyo rasaasta caaga ah.
Dacwad oogaha guud ee Istanbul ayaa amar ku bixiyay in la soo xiro dhammaan tifaaftirayaasha majalada LeMan isagoo u sababay inay si ula kac a u daabaceen wax aflagaadeeynaayo qiyaamka Diinta Islaamka.
Balse tifaaftiraha guud ee LeMan Tuncay Akgun oo khadka taleefoonka kula hadlay wakaalada wararka ee AFP isagoo ku suggan magaalada Paris ee dalka Faransiiska ayaa sheegay in sawirka si qaldan loo fasiray oo uusan ahayn mid lagu aflagaadeynaayay Nabiga Caleyhi Salaam.
Booliiska ayaa sidoo kale fuliyay waaran qabasho ah oo lagu soo xiray dhammaan madaxda ugu sareeyso majalada sida uu barta X soo dhigay gacan yaraha saxaafada ee madaxtooyada Fahrettin Altin.