Dacwad ayaa loo gudbiyay barlamaanka si Isaac Ruto looga saaro xubnaha Guddiga Adeegga Garsoorka (JSC) iyadoo lagu eedeeyay ka qaybgalka howlaha siyaasadeed ee xisbiga UDA, kuwaasoo ay dhaliilayaasha sheegayaan inay wiiqayaan madax bannaanida iyo sumcadda Garsoorka. Dacwadda ayaa sheegaysa in sii wadida xil hayntiisa xaaladaha hadda jira ay dhaawacday kalsoonida shacabka ee JSC iyo hay’adaha kale ee madaxabannaan, kuwaasoo ku tiirsan dhexdhexaadnimo siyaasadeed oo adag.
Karaaniga barlamaanka qaranka ayaa xaqiijiyay in la helay dacwadda islamarkaana loo gudbiyay si waafaqsan habraacyada dastuuriga iyo sharciga ee la xiriira dacwadaha ku saabsan dhaqanka hay’adda xil hayayaasha dadweynaha.
Tallaabadan ayaa timid ka dib markii ku xigeenkii hore ee guddoomiyaha JSC Macharia Njeru uu soo jeediyay walaac ku saabsan ka qayb galka Ruto ee howlaha siyaasadeed ee xisbiga tallada dalka hayo ee UDA.
Njeru ayaa sheegay in dhaqankan uu yahay mid aan horey u dhicin oo ah mid aan habboonayn oo uu ku xadgudbay dastuurka, Xeerka Hogaaminta iyo Daacadnimada, iyo xeerarka hab dhaqanka ee khuseeya. Waxaa uu ku digay in dhaqankan uu khatar weyn ku yahay madax bannaanida Garsoorka, isagoo adkeeyay in dhexdhexaadnimada siyaasadeed ay muhiim u tahay ilaalinta kalsoonida shacabka ee nidaamka garsoorka.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in ka qaybgalka firfircoon ee siyaasadda xisbiyada uu horey u ahaa sabab loo diido musharixiinta xilalka garsoorka, isagoo adkeeyay in ka qaybgalka howlaha siyaasadeed inta lagu jiro xil haynta JSC uu mamnuuc yahay.




