Ireland oo ku biiraysa dacwad laga gudbiyay Israa’iil

0
133

Dowladda dalka Ireland ayaa sheegtay in ay maxkamadda caalamiga ee cadaaladda ee ICJ u muujin doonto sida aynan Koonfur Afrika ugu waafaqsanayn dacwadda ay gudbisay ee ka dhanka ah Israa’iil.
Koonfur Afrika ayaa maxkamadda u sheegtay in Israa’iil ay shacabka Qaza ku xasuuqday duqeymaha militari ee ay halkaasi ka wado.
Hasa ahaate wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda ee Ireland ,Micheal Martin ayaa sheegay tani ay u taalla maxkamadda inay go’aan ka gaarto .
Waxaa uu intaasi ku daray in ay caddeyn doonaan in sidoo kale weerarkii ururka Xamaas ee 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii hore iyo xaaladaha hadda ka taagan Qaza ay yihiin kuwo si cad oo baaxad leh ugu xadgudbaya xeerarka baniaadannimo ee caalamiga ah.