IPOA oo ka hadashay baaritaanka dilalkii la geestay 25-kii June ee 2024

0
461

Maamulka madaxa banaan ee kormeerka booliiska (IPOA) ayaa fiidnimadii Isniinta ka hadlay dilalkii ay booliiska geesteen intay ay socdeen dibaxbaxayaashii lagaga soo horjeeday hindise maaliyeedka ee 2024-ka.
War qoraal ah oo ay soo saartay hay’adda ayaa lagu sheegay in bayaanka uu jawaab u yahay daah-furka falaqaynta BBC-da kaas oo hoosta ka xariiqay baahida loo qabo xogta dadweynaha ee la xisaabtanka booliiska.
Sida laga soo xigtay IPOA, baaritaanka lagu sameeyay isku dhacyadii dhimashada badnaa ee Kenyaanka iyo booliiska dhex maray bishii June ee sanadkii hore ayaa ahaa mas’uuliyadda Maamulka si loo ilaaliyo danta guud ee booliiska.
Maamulka ayaa shaaca ka qaadday in ilaa hadda, 60 kiis oo dhimasho ah oo la diiwangeliyay, ay dhammeeystireen 22 baaritaano halka ay si firfircoon u daba socdeen 36 iyo in 2 kiis ay hadda hor yaallaan maxkamadaha.
Si kastaba ha ahaatee, inkastoo horumar laga sameeyay baaritaannada, haddana maamulka ayaa ka cawday wadashaqeyn la’aan ka timid saraakiisha booliiska iyo marqaatiyaasha, taasoo ay ku andacoonayaan inay caqabad ku tahay habsami u socodka baaritaannada qaarkood.