IPOA iyo Waaxda Arrimaha Gudaha booliiska oo bilaabay baaris ku saabsan weerarkii kaniisadda ACK ee Witima

0
118

Hay’adaha ammaanka ayaa bilaabay baaritaanno ku saabsan weerarkii ka dhacay Kaniisadda ACK ee Witima, iyadoo Hay’adda Madaxa bannaan ee Kormeerka ku sameysa howlaha Booliiska (IPOA) iyo Waaxda Arrimaha Gudaha ee Adeegga Qaran ee Booliiska ay si wadajir ah u maamulayaan kiiska.
Kooxaha baarista ee labada hay’adood ayaa loo diray goobta dhacdada waxaa ayna ka shaqeynayeen tan iyo markii uu weerarka dhacay. Kooxahaasi ayaa ururinayaan caddeymo iyo warbixino markhaatiyaal ah si loo ogaado duruufaha keenay weerarka.
Natiijada baaritaannada IPOA iyo Waaxda Arrimaha Gudaha ayaa la filayaa inay hagto tallaabooyin dheeraad ah oo ay qaadaan hay’adaha ku habboon iyadoo weli la raadinayo dadkii ka dambeeyay falkan.