Ingiriiska oo ku dhawaad hal sano dadkii ugu tirada badnaa isbitaallada loo dhigaya COVID-19

0
670

Waxaa lagu soo warramayaa in gudaha boqortooyada Ingiriiska tan iyo 19-kii bishii labaad ee sanadkii hore , markii ugu horreysay cudurka COVID-19 isbitaallada loo dhigay bukaankii ugu tirada badnaa.
Ugu yaraan 17,276 qof oo uu soo ritay xanuunka ayaa ku jiro xarumaha caafimaad ee UK.
Ra’iisul wasaaraha Ingiriiska Boris Johnson ayaa sheegaya in la diiwaangelinayo kororkii ugu badnaa ee xaaladaha corona.
Tani ayaa timid ka dib markii in ka badan 20 ah xarumaha waawayn ee caafimaadka ay sheegeen in xaalad adag ay jirto.
Johnson ayaa intaasi ku daray in tirada bukaanka ee isbitaallada la geynayo sagaalkii maalmoodba ay laba jibbaarmayso.