Maamulka militariga ee dalka Myanmar ayaa shaaciyay inuu cafis u fidiyay oo maanta xabsiyada laga siidayn doono in ka badan 9,000 oo maxaabiis ah.
Tani ayaa qayb ka ah xoreynta sanadlaha ah ee maxaabiista iyadoo la xusaya madax banaanidii wadankaasi.
Waxay maanta ku beegan tahay sanadguuradii 76-aad ee ka soo wareegatay xurriyadii Myanmar ka dib markii dalkaasi uu madax bannaani ka qaatay guumaysigii Ingiriiska 4-tii Jannaayo ee sanadkii 1948-dii.
Tirada maxaabiista ee la siidaynaya ayaa gaareysa 9,652.
Militariga oo talada Myanmar qaab afgembi ah kula wareegay sanadkii 2021-kii ayaa waxaa uu weli iska caabbin xooggan kala kulmaya kooxaha hubeysan ee ka dagaallamaya dhanka Waqooyi.