Ciidamada militariga ee Israa’iil ayaa 24-kii saacadood ee ugu dambeeyay gudaha Qaza ku dilay in ka badan 90 ruux.
14 ka mid ah ayaa la dilay intii uu saaka waaga baryey.
Weerar ay Israa’iil ka gaysatay Kafr Malek, oo ku taalla Waqooyiga Bari ee magaalada Ramallah ee Daanta Galbeed ee la haysto ee Falastiin ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 3 qof halka 7 kalena lagu dhaawacay.
Tan iyo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii 2023-kii , duullaanka militari ee Israa’iil ee Qaza ayaa waxaa ku nafwaayey in ka badan 56,156 Falastiiniyiin ah iyadoo muddadan gudaheeda lagu dhaawacay 132,239 kale.