In ka badan 6 qof oo lagu dilay qarax ka dhacay Yemen

0
458

Qarax baabuur loo adeegsaday oo la sheegay in lagu bartilmaameedsanayay duqa magaala Cadan ee dalka Yemen ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 6 ruux.
Waxaa falkaasi ka badbaaday Axmed Lamlas iyo wasiirka beeraha Salem al-Suqatri.
Qaraxaasi ayaa lagu sheegay mid argagixiso waxaana khasaaraha nafeed ee ka dhashay warbaahinta u xaqiijiyay wasiirka warfaafinta ee dalka Yemen Moammar al-Iryani.
Dhanka kale waxaa falkaasi ku dhaawacmay 7 qof oo wadada marayay.