In ka badan 5.4 milyan oo qof oo warbixinno la wadaagay KRA

0
292

Waxaa maamulka canshuuraha dalka ee KRA warbixintooda sanadlaha ah u gudbiyay ugu yaraan 5.4 milyan oo qof.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo ay kenyaanka haystaan ugu dambeyn maanta oo Jimco ah si ay KRA ula wadaagaan xogahooda dhanka canshuur bixinta.
KRA ayaa sheegtay in marka la is barbardhigo sanadkan iyo sanadkii ka sii horreeyay, tirada kenyaanka ee macluumaadka canshuurta gudbiyay ay korortay boqolkiiba 16.
Maamulka ayaa dadweynaha ku boorriyay inay warbixinnadooda gudbiyaan ka hor dhammaadka muddada kama dambeyska oo maanta ku eg.