In ka badan 40 qof oo maanta lagu dilay Qaza

0
621

Ugu yaraan 41 ruux oo Falastiiniyiin ah ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen weerarro ay ciidamada militariga ee Israa’iil ay maanta ka gaysteen Qaza.
Dhanka kale , wakaaladda wararka rasmiga ah ee dowladda Falastiin ee WAFA ayaa ku warramaysa in aroornimadii hore ee maanta , howlgallo iyo xabsi geyn laga fuliyay Daanta Galbeed ee la haysto.
Nin Falastiini ah ayaa lagu xiray magaalada Beitunia, oo dhanka Galbeed uga beegan magaalada Ramallah.
4 qof oo kale ayaa lagu xiray magaalada Nablus iyo tuulada u dhow ee Sarra iyo sidoo kale magaalada Beit Furik.
Ciidamada militariga ee Israa’iil ayaa sidoo kale weeraray magaalada Al-Khader, oo dhanka Koonfureed ka jirta Bethlehem iyagoo halkaasi ka sameeyay xarun militari.