In ka badan 18 qof oo lagu dilay Qaza

0
408

Ciidamada Israa’iil ayaa sii wada duqeymaha aan kala joogsiga lahayn oo ay ku hayaan Qaza, iyagoo dilay ugu yaraan 18 Falastiiniyiin ah duqeymo waaberigii saaka lagu qaaday Marinka.
Dadkan geeriyooday ayaa waxaa ka mid ah laba haween ah iyo laba carruur ah oo lagu dilay koonfurta magaalada Khan Younis.
Bulshada Masiixiyiinta ee ku suggan Qaza ayaa ka baroor diiqaya geerida Pope Francis kaasoo xiriir dhow oo joogto ah la lahaa bulshadaas inta uu socday dagaalka Israa’iil.
Dhanka kale ciidamada Mareykanka ayaa sii wada weerarada ay ku hayaan dalka Yemen, kadib markii Xuutiyiinta ay sheegteen weeraro kale oo ka dhan ah Israa’iil iyo sidoo kale maraakiibta diyaaradaha hambaaro ee Mareykanka ee ku sugan Badda Cas.
Ugu yaraan 51,240 qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen halka 116,931 kalena ay ku dhaawacmeen dagaalka Israa’iil ee Qaza tan iyo markii uu soo billowday 18 bilood ka hor.
Xafiiska warbaahinta ee xukuumadda Qaza ayaa tiradan u cusboonaysiiyay in ka badan 61,700, isaga oo sheegay in kumannaan qof oo lagu la’yahay burburka hoostiisa loo malaynayo inay dhinteen.